24/01/2026
Ilaahayow adigaa Raxmaan ah, adigaa Raxiim ah
Ilaahayow abaarta nagu habsatay adaa ka qaadi kara
Roob naxariis leh nagu shub, roob aan musiibo ahayn
Roob dhulka nooleeya, dadkana badbaadiya ππ€²
Ilaahayow carruurta gaajaysan calooshooda buuxi
Hooyooyinka ilmada qubanaysa qalbiyadooda u qabooji
Waayeelka tabarta daran adaa garab u noqo
Ilaahayow xoolihii bakhtiyay beddel kheyr qaba
Beerihii qalalay u yeel barwaaqo iyo cagaar
Dalka Soomaaliya ku mannayso nabad, nolol iyo barako
Ilaahayow dambiyadeenna naga cafi
Naxariistaada nagu soo deg
Abaarta naga qaad, rajo naguna beddel murugo
Aamiin Aamiin Ya Rabbal Caalamiin π€π€²π₯Ί