Somali South West Non-state Actors

Somali South West Non-state Actors Advocacy & community engagement

31/03/2026

Kulan ay maanta isugu yimaadeen ururada Bulshada Rayidka Koonfur galbeed iyo qodobada ka soo baxay Kulanka.

01/03/2026
Gudoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka koonfur Galbeed soomaaliya mudane Adan Abdirahman Adan shaati ayaa maanta magaalad...
01/03/2026

Gudoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka koonfur Galbeed soomaaliya mudane Adan Abdirahman Adan shaati ayaa maanta magaalada Baydhabo ka Daahfurey Shirka sedexda bilood mar la qabto.

Gudomiyaha ayaa Ka sooqayb galayasha shirka warbixin guud ka siiyey waxyaabihi uqabsoomey Dalladda iyo halka ay wax u marayaan.

Ugu dambeyn Gudoomiye Shaati Ayaa ku baaqey in Ururada Bulshada kaalintodi ay ka qaadtan caawinta iyo garab istaaga walalaha Abaartu saameysay ee ku nool Guud ahaan Deeganada koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sawiro:- Somali Southwest Non-State Actors (SOSWENSA) oo kaashanaysa Macadka Nadda Koonfur galbeed soomaliya ayaa magaal...
25/02/2026

Sawiro:- Somali Southwest Non-State Actors (SOSWENSA) oo kaashanaysa Macadka Nadda Koonfur galbeed soomaliya ayaa magaalada Baydhabo ku qabtay kulan dood-wadaag ah oo diiradda lagu saaray Isku-Tirsanaanta Bulshada, Tiirka Nabadda, Wax-qabadka Dowladda iyo Horumarinta Deegaanka.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah, si loo helo bulsho isku duuban oo ka shaqeysa nabad waarta iyo horumar la taaban karo.

Waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa la is dhaafsaday fikrado wax ku ool ah oo ku saabsan sida loo adkeyn karo nabadda, loo kordhin karo kalsoonida bulshada iyo dowladda, isla markaana loo dardar-gelin karo mashaariicda horumarineed ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-hadallada noocan oo kale ah, si loo xaqiijiyo bulsho mideysan oo ku dhisan nabad, wada-jir iyo horumar joogto ah.

Training for youth organizations
11/02/2026

Training for youth organizations

Kulan si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Daladda Bulshada Rayidka KGS SOSWENA iyo Macadka Nabada KGS oo saabsanaa Fahamk...
02/02/2026

Kulan si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Daladda Bulshada Rayidka KGS SOSWENA iyo Macadka Nabada KGS oo saabsanaa
Fahamka Xisbiyada Siyaasadda iyo Nidaamka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay Baydhabo

📢 CASUUMAAD MUHIIM AHMachadka Nabadda Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS Peace Institute) iyo Somali Southwest Non-State Ac...
02/02/2026

📢 CASUUMAAD MUHIIM AH

Machadka Nabadda Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS Peace Institute) iyo Somali Southwest Non-State Actors (SOSWENSA) waxay si sharaf leh idiinku casuumayaan dood cilmiyeed muhiim ah oo ku saabsan:

🗳️ Fahamka Xisbiyada Siyaasadda iyo Nidaamka Federaalka Soomaaliya
👉 Fursad Cusub mise Khilaaf Horleh?

Dooddan ayaa diiradda lagu saari doonaa:
• Doorka xisbiyada siyaasadda
• Saameynta nidaamka federaalka
• Iskaashi iyo caqabadaha ka iman kara
• Aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah

🎙️ Marti & Khubaro Khibrad Leh
⏰ Waqti: 3:30 PM
📅 Taariikh: February , 2026
📍 Goob: Ruun-Jinaad

👥 Waxaa si gaar ah loogu casuumayaa:
• Bulshada rayidka
• Dhallinyarada
• Saxafiyiinta
• Aqoonyahannada
• Hoggaamiyeyaasha bulshada

🕊️ Ka-soo-qeybgalkaagu waa muhiim, aragtidaaduna waa lama huraan.
Kaalin ka qaado dhismaha faham siyaasadeed oo midnimo iyo wada-jir ku dhisan.

👉 Fadlan la wadaag (Share) si fariintu u gaarto bulshadeenna.

Address

South West
Baydhabo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali South West Non-state Actors posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share