Maxkamadda Guud ee DDS - SRS Supreme Court

Maxkamadda Guud ee DDS - SRS Supreme Court It is the Supreme Court of Somali Regional state of Ethiopia. It is the highest court of the Somali regional courts. (1). Arrimaha Ciqaabta
b. t. T. (5).

Aasaaska Guud
ð Maxkamadaha deegaanka oo ah hay’ad garsoor oo madax banaan ayaa lagu aasaasay bayaankan si waafaqsan qodobka 65 (1) ee dastuurka deegaanka.
ð Awoodda garsoor waxaa is ka leh maxkamadaha oo kaliya
ð Maxkamado gaara ama kuwo kumeel gaadh ah oo aanan ku shaqeynin habraacyada iyo shuruucda shaqo ee dalka lagama aasaasi karo deegaanka
ð Arinta lagu xeeriyay

qodob hoosaadka 3aad iyada oo ay sideeda tahay golaha deegaanku waxa uu aqoonsi sharci ah siin karaa maxkamadaha shareecada iyo kuwa dhaqanka. Ujeedooyinka
Maxkamadaha deegaanku waxay u aasaasan yihiin ujeedooyinkan soosocda;
1. Ilaalinta xuquuqaha wadareed iyo kuwa shaqsi ahaaneed ee lagu damaanad qaaday dastuurka heer qaran iyo heer deegaan.
2. Xalinta khilaafyada ka dhex abuurma shaqsiyaadka kala duwan iyo bixinta go’aan cadaaladeed oo ku salaysan sharciga.
3. Xaqiijinta sareynta sharciga iyaga oo maxkamaduhu kaqaybqaadanaya horumarinta nidaamka diimuqraadiyeed. Awood Garsoorka Maxkamadda Guud
Maxkamadda guud waxay awood garsoor oo heer bilaw ah u leedahay arimahan soosocda. Waxay wareejin kartaa dacwad ciqaab ah oo ay awood garsoor u leedahay maxkamada sare ee Gobolku iyadoo u wareejin karta maxkamad sare oo kale ama waxay u soo wareejin kartaa Maxkamada guud lafteeda. Arrimaha hoos yimaada awooda garsoorka ee maxkamada sare ee federalka sida ku cad QOD.61aad tirsiga 2aad xarafka T ee dastuurka deegaanka iyo QOD 80(2) ee dastuurka federaalka
(2). Arimaha Madaniga
a. Waxay wareejin kartaa dacwad madani ah oo ay awood garsoor u leedahay maxkamada sare ee Gobolku iyadoo u wareejin karta maxkamad sare oo kale ama waxay u soo wareejin kartaa Maxkamada guud lafteeda. Arrimaha hoos yimaada awooda garsoorka ee maxkamada sare ee federalka sida ku cad Qodobka.61aad (2) ee dastuurka deegaanka iyo Qodobka.80(2) ee Dastuurka Federaalka.
3). Arimaha Racfaanka
Maxkamada guud waxay awood racfaan uleedahay arrimahan soo socda:-
b. Go’aamada ay maxkamada sare gaadho ee ay ku eegto awooda racfaan iyada oo bedelaysa go’aanka maxkamada degmada. Go’aanka ay maxkamada sare ku gaadho heer bilaw ah ee racfaanka laga qaatay
(4). Go’aamada ay maxkamada guud ka gaadho arrimaha heer deegaan waxay noqonayaan Kama dambays. Maxkamada guud waxay leedahay awooda dib u eegista oo ay ku eegto goo’aamada Kama dambaysta ah, ee ay gaadhaan maxkamada guud iyo maxkamada sare ee leh khaladaad qaanuni ah oo aas aasi ah sida kucad QOD 80(3) (t) ee dastuurka federaalka iyo Qodobka 68 (2) (j) ee dastuurka ee Deegaanka soomaalida

Guddomiyaha maxk**adda guud ee DDS, mudane C/kariin Axmad Aadan ayaa lagu casuumay xafladda soo xidhitaanka shaqada maxk...
03/09/2026

Guddomiyaha maxk**adda guud ee DDS, mudane C/kariin Axmad Aadan ayaa lagu casuumay xafladda soo xidhitaanka shaqada maxk**adaha Deegaanka Hararida ee Sanad-miisaaniyadeedka 2018ka.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay Xafiiska Maxk**adda Guud ee Hararida oo uu daadihinayay Guddoomiyaha Maxk**adda Guud ee Deegaanka Hararida, Mudane Salaxudiin Tawfiiq ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka Maxk**adaha Deegaankaas iyadoo abaalmarin lagu guddoonsiiyay Garsooreyaashii iyo shaqaalihii muujiyay hawlkarnimo iyo daacadnimo.

====DHAMMAAD====
Kala soco xaqiiqoyin dhab ah iyo xogaha muhiimka ah:
[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Facebook]: Maxk**adda Guud ee DDS -Srs supreme Court.
[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: [email protected]
https://www.youtube.com/

OGAYSIIS MUHIIM AHDhammaan Tartamayaashii buuxiyay shuruudaha boosaskii kala duwana ee shaqaalaha taagerada waxaa la oga...
01/09/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH
Dhammaan Tartamayaashii buuxiyay shuruudaha boosaskii kala duwana ee shaqaalaha taagerada waxaa la ogaysiinaya in wajigi labaad ee xulashada oo ah imtixaan ay usoo diyaargarooban maalinta Arbacada oo ku beegan 4/13/2018; 4:00 PM Galabnimo.

Fiiro Gaar ah
➤ Waa in aad la timaaddaan ORIGINAL Documents iyo 1 Copy (shahaadada fasalka 8aad ilaa Jaamacadda).

====DHAMMAAD====
Kala soco xaqiiqoyin dhab ah iyo xogaha muhiimka ah:
[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Facebook]: Maxk**adda Guud ee DDS -Srs supreme Court.
[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: [email protected]
https://www.youtube.com/

OGAYSIIS MUHIIM AH!!!
01/09/2026

OGAYSIIS MUHIIM AH!!!

Hawlaha muhiimka ah ee qabsoomay saddexdii isbuuc ee u Dambaysay Waxaa magaalada Jigjiga ka qabsoomay Kulankii Qiimaynta...
24/08/2026

Hawlaha muhiimka ah ee qabsoomay saddexdii isbuuc ee u Dambaysay

Waxaa magaalada Jigjiga ka qabsoomay Kulankii Qiimaynta Waxqabadka Garsoorka Maxk**adaha Deegaanka kaas oo lagu qiimeyay waxqabadkii maxk**adaha laguna falanqeeyay guulihi wax qabadka garsooreyaasha, caqabadaha jiray iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada garsoorka. Kulanka qiimaynta garsoorka ayaa diiradda saarayay kor u qaadista tayada adeegyada caddaaladeed iyo xoojinta madaxbanaanida Hay’adda garsoorka, iyo sidoo kale, sidii shacabka loogu adeegi lahaa hab-caddaalad oo hufan, degdeg ah islamarkaana waafaqsan shuruucda dalka iyo deegaanka.

Waxaa qabsoonta Madasha Turjumaanada sharciga ee dalka, taaso lagu ansixiyay documentiyo muhiim ah oo loogu talogalay taabo-gelinta istraatejiyadda casriyeynta nidaamka garsoorka dalka iyo dawlad-deeganada. Waxaana madasha turjumaanada sharciga lagu meel-mariyay laguna kala saxiixday heshiis-is-afgarad oo ku aaddan nidaamka maamulka dhaqangelinta xarumaha Fogaan araga (video conference) iyo nidaamka elektaroonigga ah. Kaaso ahmiyad weyn u yeelan doonna dacwoodayaasha iyo eedaysanayaasha, door laxaadlena ka geysan doonta habka iyo hannaanka adeeg-fidinta caddaladeed, iyadoo uu gaar ahaan nidaamkani mudnaan gaara u yeelanaayo shacabka deeganka islamarkaana uu u suurtagelin doonna in ay helaan adeeg garsoor oo hufan, muddo yar iyo kharash kooban leh.

Guddiga Maamulka Garsoorka DDS ayaa yeeshay kulankoodii labaad ee caadiga ahaa, kaaso lagu meel-mariyay ajendeyaal kala duwan oo waxku ool ah iyo go'aanno muhiim ah. Kulan oo salka ku hayay natiijadi kasoo baxday qiimaynta waxqabadkii garsooreyaasha ee la sameeyay ayaa waxaa kasoo baxay go’aanno isugu jiray; Digniino k**a dambaysa, Caydhin, isku-baddel iyo magacaabis. Taaso la rajaynaayo in ay ahmiyad weyn u yeelanayso hannaanka shaqo iyo hufnaanta adeeg-fidinta maxk**adaha.

Hogaaminta sare ee maxk**adaha dalka iyo deeganada dalka ayaa magaalada Arbaminch ku samaysay munaasabad dhir beeris ah.

Waxaa qabsoomay Kulanweynihii garsoorka dalka oo sanadkiiba qabsooma hal mar, kasoo ay kasoo qaybgaleen Guddoomiyaha Maxk**adda Guud ee Federaalka Mudane Twedros Mehret, Gudoomiye kuxixeenka Maxk**adda Guud ee Federaalka Marwo Ababa Enbiyalow, Gudoomiyeyaasha iyo Gudoomiye kuxigeenada Maxk**adaha Guud DDS, Gudoomiyaha Maxk**adda Sare ee Federaalka, Gudoomiyaha Maxk**adda hoose ee Federaalka iyo dhamaan garsooreyaasha Maxk**adda Guud ee Federaalka.

====DHAMMAAD====
Waaxda xidhiidhka & Arrimaha Dadweynaha: Faah-faahinada dheeradka ah kala soco;
[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Facebook]: Maxk**adda Guud ee DDS -Srs supreme Court.
[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: [email protected]
https://www.youtube.com/

22/08/2026

Se alla dina favoriter bland videor och musik, ladda upp originalinnehåll och dela allt med vänner, familj och hela världen på YouTube.

22/08/2026

የሶማሊ ክልል የዳኞች አስተዳደር ጉባኤ 2ኛ መደበኛ ስብሰባ በጅግጅጋ ከተማ አካሄዷዋል።

21/08/2026

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

21/08/2026

Guddiga Maamulka Garsoorka DDS ayaa yeeshay kulankoodii labaad ee caadiga ahaa oo qabsoomay maanta oo ay taarikhdu tahay 15ka bisha Nahaase ee 2018T.I.

የሶማሊ ክልል የዳኞች አስተዳደር ጉባኤ 2ኛ መደበኛ ስብሰባ  በጅግጅጋ ከተማ አካሄደጅግጅጋ ፤ ( የሶብመኤ ነሀሴ 15/2018 አ.ም)የሶማሊ ክልል የዳኞች አስተዳደር ጉባኤ 2ኛ መደበኛ ስብሰ...
21/08/2026

የሶማሊ ክልል የዳኞች አስተዳደር ጉባኤ 2ኛ መደበኛ ስብሰባ በጅግጅጋ ከተማ አካሄደ

ጅግጅጋ ፤ ( የሶብመኤ ነሀሴ 15/2018 አ.ም)የሶማሊ ክልል የዳኞች አስተዳደር ጉባኤ 2ኛ መደበኛ ስብሰባ በጅግጅጋ ከተማ አካሂዷል።

በሶማሊ ክልል ጠቅላይ ፍርድ ቤት የተካሄደው የክልሉ የዳኞች አስተዳደር ጉባኤ 2ኛ መደበኛ ስብሰባ በሶማሊ ክልል ጠቅላይ ፍርድ ቤት ፕሬዝዳንት አቶ አብዲከሪን አህመድ አደን ሰብሳቢነት የተካሄደ ሲሆን በመድረኩ ላይ የጉባኤው አባላት በተገኙበት ተካሂዷል።

በመድረኩ ላይ ጉባኤው በተለያዩ አጀንዳዎች ላይ በመወያየት ዉሳኔዎችን አሳልፏል።

በመድረኩ ላይ የክልሉ ጠቅላይ ፍርድ ቤት ፕሬዝዳንት አቶ አብዲከሪን አህመድ በሐምሌ ወር 2018 ዓ.ም የተካሄደው የክልሉ ዳኞች እና ፍርድ ቤቶች የስራ አፈፃፀም የግምገማ መድረክ የተገኙ ውጤቶች ላይ ያተኮረ ሪፖርት ለኮሚቴው አቅርበዋል።

በስብሰባው ላይ ጉባኤው በጥልቀት መርምሮ ያፀደቃቸው አጀንዳዎች ፦

👉 አንድ ፕርስደንትና አራት ዳኞችን ጨምሮ የሚጠበቅባቸውን ስነ ምግባር እና ታማኝነት የሚጻረር ድርጊት የፈጸሙ አምስት አባላትን እንዲሰናበቱ መደረጉን፣

👉ሥራቸውን እና የተጣለባቸውን ሀላፊነት በአግባቡ ያልተወጡ 17 አባላት ኮሚቴው የመጨረሻ ማስጠንቀቂያና የአንድ ወር ክትትል መደረጉን ፣

👉 የስራውን ጫና እና ክብደት መሰረት በማድረግ የተሻለ የስራ ዝግጁነት እና ልምድ አላቸው ተብለው የታመነባቸው 8 የክልሉ ከፍተኛ ፍርድ ቤት ፕሬዝዳንቶች ዝውዉር ተደረገ።

👉በሶማሊ ክልል ቆራሄ እና ሲቲ ዞኖች የሽንሌ እና ኢል ኦጋዴን ወረዳ ፍርድ ቤቶች አዳዲስ የፍርድ ቤት ፕሬዝዳንቶች ሹመትን።

Guddiga 𝕞𝕒𝕒𝕞𝕦𝕝𝕜𝕒 𝕘𝕒𝕣𝕤𝕠𝕠𝕣𝕜𝕒 DDS 𝕒𝕪𝕒𝕒 𝕪𝕖𝕖𝕤𝕙𝕒𝕪 𝕜𝕦𝕝𝕒𝕟𝕜𝕠𝕠𝕕𝕚 𝕝𝕒𝕓𝕒𝕒𝕕 𝕖𝕖 𝕤𝕒𝕟𝕟𝕒𝕕-𝕞𝕚𝕤𝕒𝕒𝕟𝕚𝕪𝕖𝕖𝕕𝕜𝕒 2019𝕥.𝕚.**************************...
21/08/2026

Guddiga 𝕞𝕒𝕒𝕞𝕦𝕝𝕜𝕒 𝕘𝕒𝕣𝕤𝕠𝕠𝕣𝕜𝕒 DDS 𝕒𝕪𝕒𝕒 𝕪𝕖𝕖𝕤𝕙𝕒𝕪 𝕜𝕦𝕝𝕒𝕟𝕜𝕠𝕠𝕕𝕚 𝕝𝕒𝕓𝕒𝕒𝕕 𝕖𝕖 𝕤𝕒𝕟𝕟𝕒𝕕-𝕞𝕚𝕤𝕒𝕒𝕟𝕚𝕪𝕖𝕖𝕕𝕜𝕒 2019𝕥.𝕚.
**********************************
🄹🄸🄶🄹8🄶🄰 15 𝕟𝕒𝕙𝕒𝕒𝕤𝕖, 2018T.I
Guddiga Maamulka Garsoorka DDS ayaa yeeshay kulankoodii labaad ee caadiga ahaa oo qabsoomay maanta oo ay taarikhdu tahay 15ka bisha Nahaase ee 2018T.I.
Kulanka waxaa lagu falanqeeyay ajendeyaal kala duwan, kuwaasoo lagasoo saaray go'aanno muhiim ah.
Guddoomiyaha Maxk**adda Guud Ee DDS Mudane C/kariin Axmed Aadan oo shir-gudoominaayay kulanka ayaa xubnaha soo hordhigay warbixinta natiijadi kasoo baxday qiimaynta waxqabadka garsoorka iyo garsooreyaasha ee la sameeyay daba-yaaqadi bishii Hamle ee 2018T.I.
Kaddib, xubnaha guddiga ayaa mid-mid u falanqeeyay ajendayaasha lasoo hordhigay waxayna gunaanadkii guddigu ansixiyeen;
- Shaqo ka caydhinta shan xubnood oo isugu jira hal guddoomiye iyo afar garsoore, kuwaaso u kacay falal liddi ku ah anshaxa iyo dhawrsanaanta laga rabo garsooreyaasha.
- 17 xubnood oo caadaystay kuna sifoobay mashaqaystenimo, islamarkaana gudan-waayay waajibaadki shaqo ee loo igmaday, wuxuuna guddigu siiyay digniin k**a dambays ah iyo kor-joogtayn shaqo oo bil ah.
- Iyada oo laga duulayo culayska shaqo, khibradda iyo waayo-aragnimadda lagama maarmanka u ah shaqada waxaa la isku bedelay 8 kamida Gudoomiyeyaasha maxk**adaha Sare ee gobolada deegaanka
- Waxaa Gudoomiyeyaal cusub loo magacaabay Maxk**adaha degmooyinka Shiniile iyo Ceel-ogaadeen.

====DHAMMAAD====
Waaxda xidhiidhka & Arrimaha Dadweynaha: Faah-faahinada dheeradka ah kala soco;
[Facebook]: https://www.facebook.com/profile.php?id=100068902548708
[Facebook]: Maxk**adda Guud ee DDS -Srs supreme Court.
[Telegram]:https://t.meSomaliRegionSupremeCourt
[Instagram]:https://www.instagram.com/somaliregionsupremecourt
[E-Mail]: [email protected]
https://www.youtube.com/

Address

Jibri
Jijiga
00000

Telephone

+251925337788

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamadda Guud ee DDS - SRS Supreme Court posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Practice

Send a message to Maxkamadda Guud ee DDS - SRS Supreme Court:

Shortcuts

Share

Category